HomeWarar"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya (TPSS), barnaamij horumarineed oo ay Soomaaliya ka taageerayso Dowladda Talyaaniga. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in barnaamijkani uu salka ku hayo Qorshaha Horumarinta Qaranka, isla markaana uu kaalin weyn ka qaadan doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya (TPSS), barnaamij horumarineed oo ay Soomaaliya ka taageerayso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in barnaamijkani uu salka ku hayo Qorshaha Horumarinta Qaranka, isla markaana uu kaalin weyn ka qaadan doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo dib-u-dhiska deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

- Advertisement -

Intii uu kulanku socday, guddigu wuxuu si rasmi ah u ansixiyay saddex mashruuc oo horudhac u ah hirgelinta TPSS, kuwaas oo xooga saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah, waxaana laga fulin doonaa Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Barnaamijka TPSS waxaa si buuxda u maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, iyadoo laga hirgelinayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kulanka maanta waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, H.E. Pier Mario Daccò Coppi, oo muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Latest stories