HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn...

Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u sheegay in dalka Soomaaliya aan dib loogu celin doonin habka doorashooyinka dadban, isaga oo xusay in dalka lagu hagi doono hanaan dimuqraadi ah oo qof iyo cod ah. Madaxweynuhu wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabadda daahfurka urur siyaasadeed cusub oo ay sameeyeen hoggaamiyayaal ka […]

- Advertisement -

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u sheegay in dalka Soomaaliya aan dib loogu celin doonin habka doorashooyinka dadban, isaga oo xusay in dalka lagu hagi doono hanaan dimuqraadi ah oo qof iyo cod ah.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabadda daahfurka urur siyaasadeed cusub oo ay sameeyeen hoggaamiyayaal ka tirsan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cid gaar ah ama koox leh ajende gaar ah aysan dalka u hor istaagi karin horumarka siyaasadeed, isagoo xusay in fikirka siyaasadeed ee mideysan uu yahay waxa keliya ee dadka iyo dalka isku haya.

- Advertisement -

“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan, dalka waxaa isku hayn kara fikir siyaasi ah oo mustaqbal fiican laga dhex arko,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri: “Isbedelkasta waa xanuun iyo cabsi badan yahay, dibna uma noqon karno, meeshaan 25 sano joognayna masii ahaan karno, horay u soconaynaa, masii taagnaan karno.”

Inkasta oo Madaxweynaha caddeeyay mowqifka dowladda federaalka, haddana weli ma cadda sida ay uga falcelin doonaan madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaliilsan hab-dhaqanka dowladda.

Latest stories