Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee ka bixitaanka madasha siyaasadeed ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo ay kasoo qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax ka tirsan dowlad-goboleedyada qaar.
Deni ayaa ku dooday in madashaasi aysan ahayn mid ujeedkeedu yahay midnimo siyaasadeed iyo dhisidda dowladnimada, balse ay ahayd goob si cad loogu wajahayo burburinta Jubbaland — arrin uu ku tilmaamay mid halis gelinaysa madax-bannaanida iyo jiritaanka maamul-goboleedyada Soomaaliyeed ee xor u ah qaab-dhismeedkooda siyaasadeed.
Isagoo si toos ah u weeraray dowladda Federaalka, ayuu Madaxweyne Deni si kulul u cambaareeyay dhismaha urur cusub oo siyaasadeed oo uu horkacayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kana garab muuqdeen hoggaamiyeyaasha maamullada Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed. Wuxuu ku sifeeyay ururkaas “dadcunimo siyaasadeed” oo khatar ku ah midnimada dalka.
“Villa Soomaaliya waxay ka weecatay jidkii dowlad-dhiska, waxayna gelisay dalka khatar siyaasadeed oo qaran,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Federaalka in uu muujiyo garasho siyaasadeed si looga hortago burbur iyo jahwareer hor leh.
Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan jihada cusub ee siyaasadda dalka, waxayna mar kale ku celinayaan baaqooda ku aaddan in la isugu yimaado wada-hadal qaran oo dhab ah, si xal waara loogu helo khilaafaadka taagan, loogana hortago kala fogaanshaha sii kordhaya ee u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.
