HomeWararKulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo...

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa magaalada Nairobi si xawli ah uga socda kulamo siyaasadeed oo ay isugu yimaadeen madax hore oo ka tirsaneyd dowladihii dalka soo maray, kuwaas oo si adag uga soo horjeeda siyaasadda uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Kulamadan oo si gaar ah loo leeyahay ayaa waxaa ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya – Maxamed […]

- Advertisement -

Waxaa magaalada Nairobi si xawli ah uga socda kulamo siyaasadeed oo ay isugu yimaadeen madax hore oo ka tirsaneyd dowladihii dalka soo maray, kuwaas oo si adag uga soo horjeeda siyaasadda uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulamadan oo si gaar ah loo leeyahay ayaa waxaa ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya – Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) – iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

- Advertisement -

Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in si qoto dheer looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo diiradda la saaray xasilooni darrada siyaasadeed, khilaafaadka isa soo taraya, iyo walaaca sii kordhaya ee bulshada iyo beesha caalamka ka qabaan jihada dalka u socdo.

Siyaasiyiinta kulanka ayaa si wadajir ah u muujiyay in ay ka walaacsan yihiin ficillada iyo hab-dhaqanka dowladda talada haysa, kuwaas oo ay sheegeen in ay dhaawacayaan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa bartiisa bulshada ku baahiyay qoraal uu ku xusay in dalka uu galay marxalad halis ah, islamarkaana loo baahan yahay xal qaran oo degdeg ah.

Waxaa sidoo kale kulanka laga soo saaray baaq ku wajahan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka, iyagoo ugu yeeray in la adkeeyo midnimada, la muujiyo isu tanaasul, islamarkaana la badbaadiyo jiritaanka iyo danta guud ee dalka.

- Advertisement -

Madaxda kulanka ka qaybgalay ayaa soo jeediyay in la bilaabo wadahadal qaran oo daahfuran, loona gudbo hannaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda waqtigeeda. Waxay xuseen in loo baahan yahay heshiis guud oo salka ku haya kalsooni dadweyne iyo wada-tashi qaran.

Kulamadan Nairobi ka socda ayaa loo arkaa kuwo horseedi kara isbedel siyaasadeed oo weyn, iyadoo mucaaradku uu u muuqdo mid isu diyaarinaya olole xooggan oo lagu muujinayo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah Villa Soomaaliya. Dhanka kalena, kulamadu waxay noqon karaan fursad lagu dhiso hannaan cusub oo siyaasadeed oo ku saleysan wada hadal, heshiis iyo hufnaan.

Latest stories