HomeWarar"Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho"

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u beeniyay warar la faafiyay oo sheegayay in sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka uu is daldalay. Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in sarkaalkaasi si bareer ah loo dilay, waxaana baaritaan buuxa lagu wadaa sidii loo ogaan lahaa ciddii […]

- Advertisement -

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u beeniyay warar la faafiyay oo sheegayay in sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka uu is daldalay. Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in sarkaalkaasi si bareer ah loo dilay, waxaana baaritaan buuxa lagu wadaa sidii loo ogaan lahaa ciddii ka dambeysay falkaas.

Afhayeenka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay howlgallo ballaaran oo ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen qaybo kamid ah caasimadda, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo looga shakisan yahay falal dambiyeedyo isugu jira dilal iyo dhac. Wuxuu si gaar ah u xusay degmada Xamarjajab, oo uu sheegay in uu saakay ka dhacay weerarkii ugu dambeeyay ee lagu dilay sarkaalkaas ka tirsan laamaha ammaanka.

- Advertisement -

Intaa waxaa dheer, Afhayeenka ayaa sheegay in qaar ka mid ah eedeysanayaasha loo haysto dilalkaas ay horey u soo mareen maxkamado isla markaana lagu xukumay dil toogasho ah, hase yeeshee lagu sii daayay dameyn, kadib markii dhinacyada qaraabada ah ay gaareen heshiisyo.

Booliska Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay xoojin doonaan la dagaalanka dambiyada abaabulan iyo kuwa dilalka ah, iyagoo ku adkeystay in dhammaan dadka ku lugta leh falalkaas lagu hor keeni doono cadaaladda.

“Ciidamada ammaanka waxay ka go’an tahay in aan laga hari doonin la dagaalanka kooxaha dhibaatooyinka ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Latest stories