HomeWararXisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu...

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Waxaa la filayaa in toddobaadkan si rasmi ah magaalada Muqdisho loogu dhawaaqo urur siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Caddaaladda iyo Waka,dajir kaas oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ururkan cusub ayaa ah mid laga dhisay xisbiga UPD, waxaana loo arkaa ballaarin siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay in la mideeyo saaxiibada siyaasadeed ee […]

- Advertisement -

Waxaa la filayaa in toddobaadkan si rasmi ah magaalada Muqdisho loogu dhawaaqo urur siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Caddaaladda iyo Waka,dajir kaas oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ururkan cusub ayaa ah mid laga dhisay xisbiga UPD, waxaana loo arkaa ballaarin siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay in la mideeyo saaxiibada siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ku dhawaaqista ururkan ay dib u dhacday toddobaadkii hore, kadib khilaaf ka dhashay awood qeybsiga xilalka sare ee xisbiga, gaar ahaan diidmo kasoo yeertay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallo siyaasadeed oo dhacay kadib ayaa la sheegay in khilaafkaasi la xaliyay, iyadoo Lafta Gareen lagu qanciyay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga cusub.

Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa noqonaya ururkii ugu horreeyay ee ay si toos ah uga dhex muuqdaan Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka (Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi), Ra’iisal Wasaaraha, Golaha Wasiirrada iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale muujinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay musharraxa rasmiga ah ee xisbiga uga qeyb geli doona doorashooyinka soo socda, inkastoo wali khilaaf ka taagan yahay jadwalka iyo hannaanka doorashooyinkaasi.

- Advertisement -

Ujeedka dhismaha urur siyaasadeedkan ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu markale u ololeynayo inuu mar saddexaad kusoo laabto talada dalka, muddo xileed dhan 5 sano, isaga oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeestay ururkan cusub, iyaga oo ku tilmaamay “xisbi ku dhisan dano gaar ah oo la mid ah tii Dowladdii Kacaanka, kuna eedeeyay inuu yahay qorshe lagu heysto hay’adaha dowladda iyadoo laga faa’iideysanayo awoodda Madaxweynaha.

Latest stories