HomeWararSoomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ku saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) oo dhanka iskaashiga iyo horumarinta beeraha ah, isagoo heshiiska la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov. Heshiiskan is-afgaradka ah ayaa salka ku haya xoojinta wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada […]

- Advertisement -

 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ku saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) oo dhanka iskaashiga iyo horumarinta beeraha ah, isagoo heshiiska la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

Heshiiskan is-afgaradka ah ayaa salka ku haya xoojinta wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga aqoonta casriga ah ee waraabka iyo danabeynta, kor u qaadidda cilmi-baarista, iyo kobcinta ganacsiga beeraleyda ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

- Advertisement -

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in heshiiskan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista wax-soosaarka gudaha, iyadoo la kaashaneysa tiknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah oo laga faa’iideysan karo. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Azerbaijan, oo caan ku ah horumarka tiknoolajiyadda dhanka beeraha, ay noqon karto lamaane istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed.

Intii uu safarka ku sugnaa, Wasiirka iyo wafdigiisa waxay booqdeen xarumo cilmi-baariseed oo casri ah, kuwaas oo ku takhasusay cilmiga carada, kiimikada beeraha iyo adeegsiga teknoolojiyadda cusub ee kordhin karta wax-soosaarka iyo tayada dalagga.

Heshiiskan cusub ayaa rajo weyn u horseedaya beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo la filayo in iskaashigan uu noqdo mid horseeda koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo horumar waara.

Latest stories