HomeWararR/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah iyo doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaato amniga iyo xasillinta dalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah iyo doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaato amniga iyo xasillinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay Mr. Kareem Adebayo magacaabistiisa cusub, isagoo carabka ku adkeeyay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay kaalinta uu Midowga Afrika ka qaatay taageeridda geeddi-socodka nabadda, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

- Advertisement -

Dhankiisa, Mudane Adebayo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diirran, wuxuuna muujiyay sida uu uga go’an yahay in uu xoojiyo wada-shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha dowladda. Wuxuu sidoo kale mar kale xaqiijiyay in Midowga Afrika ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo horumar waara.

Kulankan ayaa muujinaya dadaalka ay labada dhinac ku bixinayaan dhisidda iskaashi waxtar leh oo lagu xoojinayo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Latest stories