HomeWararPuntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, oo sidoo kale ah Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Xafiiska QM ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarineed iyo howlaha bini’aadantinimo ee ay Qaramada Midoobay ka wado gudaha Puntland, […]

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, oo sidoo kale ah Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Xafiiska QM ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarineed iyo howlaha bini’aadantinimo ee ay Qaramada Midoobay ka wado gudaha Puntland, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku saleysan xasilloonida, taageerada dadka nugul, iyo kor u qaadidda adeegyada aasaasiga ah.

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay kaalinta ay ka qaadato taageerada dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah ee ku sugan deegaannada Puntland.

Dhinaciisa, George Conway ayaa xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto dadaallada lagu garab istaagayo bulshada Puntland, isagoo balan qaaday in la dardargelin doono qorshayaal wax ku ool ah oo lagu gaarsiinayo gargaar dadka u nugul xaaladaha nololeed, isla markaana lagu xoojinayo awoodda maamulka ee wax ka qabashada arrimaha bini’aadantinimada.

Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara iyo xal u helidda baahiyaha taagan.

Latest stories