HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si isdaba joog ah uga shaqeynaya soo celinta bilicda caasimadda iyo furista waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kaddib roobabkii culus ee dhawaan da’ay, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo kaabayaasha magaalada. Howlwadeennada Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda oo kaashanaya […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si isdaba joog ah uga shaqeynaya soo celinta bilicda caasimadda iyo furista waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kaddib roobabkii culus ee dhawaan da’ay, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo kaabayaasha magaalada.

Howlwadeennada Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda oo kaashanaya maamullada degmooyinka gobolka ayaa si guul leh uga shaqeeyay qaadista biyihii roobka ee ku fatahay waddooyinka, iyaga oo si degdeg ah u soo celiyay nadaafadda iyo bilicdii caasimadda, si loo sugo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

- Advertisement -

Waxaa sidoo kale si xawli ah u socda qorshayaal lagu dhameystirayo shaqooyinka haray ee la xiriira hagaajinta waddooyinka burburay iyo nadaafadda guud ee magaalada. Dib-u-dhiskaas ayaa lagu fulinayaa qorshe degdeg ah oo ka jawaabaya baahida shacabka ee adeegyada muhiimka ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa adkeeyay in dadaallada socda ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha nololeed ee Caasimadda, si muwaadiniintu u helaan adeegyo tayo leh oo waafaqsan baahiyahooda maalinlaha ah.

Latest stories