HomeWararMaleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wararka laga helayo deegaanka Koogaar (loogu yeero sidoo kale Burdheere), oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa xaqiijinaya in saaka waaberigii lagu dilay labo qof oo rayid ah, kadib weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in labada marxuum – Fanax Macalin Xabeeb oo ka shaqeynayay xarun isgaarsiineed iyo […]

- Advertisement -

Wararka laga helayo deegaanka Koogaar (loogu yeero sidoo kale Burdheere), oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa xaqiijinaya in saaka waaberigii lagu dilay labo qof oo rayid ah, kadib weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in labada marxuum – Fanax Macalin Xabeeb oo ka shaqeynayay xarun isgaarsiineed iyo Muxudiin Caraale oo ahaa shaqaale ka howlgala ceel-biyood – ay si gaar ah loogu beegsaday meelaha ay ka shaqeynayeen. Dableydii falkan geysatay ayaa la sheegay inay si degdeg ah goobta uga baxsadeen, iyadoo ay ka soo jeedaan isla degmada Cadalle.

- Advertisement -

Inkastoo aan la ogeyn sababta saxda ah ee ka dambeysa dilkan, haddana dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya inuu kicin karo xiisad u dhaxeysa beelaha deegaanka wada dega. Tani waxay sii hurineysaa cabsi horey u jirtay, kaddib markii dhowaan duleedka degmada Cadalle lagu dilay darawal gaari noha ah, kaasoo la sheegay in ay toogteen koox hubeysan oo la tuhunsan yahay inay ahaayeen isla koox beeleed deegaanka ah.

Dilka maanta dhacay ayaa sare u qaaday walaaca shacabka, iyadoo ilaa hadda aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada, gobolka ama dowladda federaalka ah ee ku saabsan falalkan soo noqnoqday ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah.

Dadka deegaanka ayaa dalbanaya in si degdeg ah loo soo farageliyo arrintan, loona sameeyo baaritaan dhab ah si loo xaqiijiyo amniga guud iyo in laga hortago xiisado beeleed oo hor leh.

Latest stories