kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan shaqooyinka golaha iyo sida ay muhiim u tahay habsami u socodka howsha golaha, waxaana intaasi ka dib guddiga walba laga dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo marxaladaha ay marayaan.
Ugu dambeyn kulanka guddiga joogtada ayaa lagu Ajendeeyay kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana u codeeyay xubnaha guddiga joogtada.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga joogtada, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo shaqada Golaha si looga shaqeeyo shuruucda horumarka u ah dowladnimadeena.
