HomeWararXildhibaano Hirshabelle ah oo Xasaanad Laga Qaaday

Xildhibaano Hirshabelle ah oo Xasaanad Laga Qaaday

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa maanta si rasmi ah u yeeshay Kalfadhigiisa 17aad, kulankiisa labaad, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud iyo arrimo muhiim ah oo la xiriira anshaxa xubnaha baarlamaanka. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Luqmaan Xaaji Maxamed, ayaa waxaa si buuxda uga soo qeyb galay 75 xildhibaan, […]

- Advertisement -

Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa maanta si rasmi ah u yeeshay Kalfadhigiisa 17aad, kulankiisa labaad, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud iyo arrimo muhiim ah oo la xiriira anshaxa xubnaha baarlamaanka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Luqmaan Xaaji Maxamed, ayaa waxaa si buuxda uga soo qeyb galay 75 xildhibaan, iyadoo ay garab taagnaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Xasan Cusmaan.

- Advertisement -

Ajandaha Kulanka:

  1. Ka doodista xaaladda guud ee amniga maamulka Hirshabelle.

  2. Ka doodista mooshin ka dhan ah saddex xildhibaan oo lagu eedeeyay ku xadgudubka dastuurka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulanka furay isagoo xildhibaanada u sheegay in ay isdiiwaangeliyaan haddii ay doonayaan in ay ka hadlaan mooshinka ka dhanka ah saddex xildhibaan oo horey looga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada baarlamaanka, kadib eedeymo la xiriira anshax-xumo iyo ku tumasho sharci.

- Advertisement -

Dooda iyo Go’aanka:

Dooda mooshinka waxaa ka qayb qaatay 31 xildhibaan, waxayna si cad u soo jeediyeen in xasaanadda laga qaado xubnahan soo socda:

  • Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed

  • Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle

  • Xildhibaan Axmed Cali Abuukar

Kadib markii mooshinka la geliyay cod, natiijada codbixinta waxay noqotay:

  • 71 xildhibaan ayaa oggolaaday

  • 3 xildhibaan ayaa diiday

  • 1 xildhibaan ayaa ka aamusay

Guddoomiye Dr. Abdulhakim Luqmaan ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah xubinnimada Golaha Wakiillada looga qaaday saddexdaasi xildhibaan, iyadoo lagu saleeyay qodobbada sharciga iyo dastuurka sida:

  • Xeer-hoosaadka Golaha: Qodobka 26 faqradda (d), Qodobka 65 faqrada 2aad faraha (d) iyo (e)

  • Dastuurka Hirshabelle: Qodobka 37 faqraddiisa 5aad, Qodobka 41 faqraddiisa (c) iyo Qodobka 13 faqraddiisa 1aad

Gabagabaddii kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku xiray kulanka isagoo ku amray odayaasha dhaqanka iyo bulshada ay matalayeen saddexda xildhibaan in ay bilaabaan habraaca Dastuuriga ah ee buuxinta kuraasta bannaanaaday.

Latest stories