HomeWararMaamulka G/Banaadir oo La Wareegtay Guri Amni-darro Loogu Adeegsaday Xamarjajab

Maamulka G/Banaadir oo La Wareegtay Guri Amni-darro Loogu Adeegsaday Xamarjajab

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay la wareegeen guri ku yaalla degmada Xamarjajab, kaasi oo la sheegay in uu noqday xarun lagu abaabulo falal halis ku ah amniga qaranka. Gurigan oo laheyd Fahma Warsame ayaa sida uu sheegay afhayeenka maamulka, si qarsoodi ah loogu adeegsanayay howlaha amni-darro, waxaana lagu […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay la wareegeen guri ku yaalla degmada Xamarjajab, kaasi oo la sheegay in uu noqday xarun lagu abaabulo falal halis ku ah amniga qaranka.

Gurigan oo laheyd Fahma Warsame ayaa sida uu sheegay afhayeenka maamulka, si qarsoodi ah loogu adeegsanayay howlaha amni-darro, waxaana lagu eedeeyay in uu dhowaan noqday goobtii laga fuliyay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Gurigan oo ku yaalla Isgoyska Ceel-gaabta, ayaa ka mid ah meelaha istiraatiijiga ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si joogto ah ay u adeegsadaan masuuliyiinta ugu sareeya ee dowladda federaalka.

Afhayeenka maamulka ayaa intaa ku daray in gurigan hadda kadib loogu adeegi doono danta guud ee shacabka, isagoo xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadgelyada caasimadda.

“Waxaan u taaganahay in aan la dagaallano cid kasta oo carqalad ku ah amniga shacabka iyo madaxda qaranka. Go’aankan wuxuu caddeyn u yahay sida ay naga go’an tahay ilaalinta nabadda,” ayuu yiri afhayeenka.

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku celiyay ballanqaadkooda ku aaddan in si buuxda loo ilaalin doono xasiloonida magaalada, iyagoo kaashanaya hay’adaha amniga ee dalka.

Latest stories