HomeWararSoomaaliya oo Mamnuucday Baasaboorka Taiwan, Xilli Xiisadda Geeska Afrika ay Sii Kordhayso

Soomaaliya oo Mamnuucday Baasaboorka Taiwan, Xilli Xiisadda Geeska Afrika ay Sii Kordhayso

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucday isticmaalka baasaboorka ay bixiso Taiwan, iyadoo dadka wata dukumintigaasi aysan hadda kadib geli karin dalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli Beijing ay sii kordhineyso cadaadiska diblomaasiyadeed ee ay ku hayso Taipei, isla markaana […]

- Advertisement -

Muqdisho, Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucday isticmaalka baasaboorka ay bixiso Taiwan, iyadoo dadka wata dukumintigaasi aysan hadda kadib geli karin dalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli Beijing ay sii kordhineyso cadaadiska diblomaasiyadeed ee ay ku hayso Taipei, isla markaana xiriir cusub oo ay Taiwan la sameyneyso Somaliland uu abuuro walaac ballaaran oo dhinaca gobolka ah.

- Advertisement -

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa lagu sheegay in Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ay toddobaadkii hore soo saartay ogeysiis rasmi ah, kaasoo dhigaya in laga bilaabo Arbacada, 30-ka Abriil 2025, aysan suurtagal ahayn in lagu safro gudaha Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo baasaboorka Taiwanese-ka.

Sida ay sheegtay wasaaradda, go’aankan ayaa loo fasirtay mid ay dowladda Shiinaha si dadban ugu lug leedahay, iyadoo lasoo wariyay in Beijing ay cadaadis xooggan saartay Muqdisho si ay u qaado tallaabooyin ka dhan ah Taiwan.

Dowladda Shiinaha ayaa si rasmi ah u diidda madax-bannaanida Taiwan, iyadoo ku dooda in ay tahay qeyb aan la goyn karin oo ka mid ah dhulkeeda.

- Advertisement -

Taiwan oo ah jasiirad is-maamulta balse aysan si buuxda u aqoonsanayn Qaramada Midoobay ama dowladaha badankood ee caalamka, ayaa sanadihii u dambeeyay kor u qaaday xiriirka ay la leedahay Somaliland – gobol ismaamul ah oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya oo iskiis madax-bannaani ugu dhawaaqay 1991, balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Sannadkii 2020, Taiwan iyo Somaliland waxay kala fureen xafiisyo matalaad diblomaasiyadeed ah, taasoo si weyn uga careysiisay dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha. Tallaabadaasi ayaa loo arkay mid wiiqeysa mabaadi’da “Midnimada Soomaaliya,” taasoo dowladda Federaalka Soomaaliya u aragto khatar ku ah madaxbannaanideeda dhuleed.

Bayaan kasoo baxay Taiwan ayaa lagu cambaareeyay mamnuucidda baasaboorkooda, iyagoo ku tilmaamay tallaabo lid ku ah xuquuqda safarka iyo xorriyadda muwaadiniinta reer Taiwan.

“Dowladda Soomaaliya waxay u hoggaansameysaa cadaadiska Shiinaha, iyadoo muwaadiniinteena ka hor istaageysa xorriyadda ay u leeyihiin safarka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taiwan ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay dib uga laabato go’aankan, iyagoo ku adkeystay in tallaabadaasi ay dhaawaceyso xiriirka dadka iyo karaamada dalalka aan si rasmi ah isugu dhoweyn, balse wadaagaan dano caalami ah.

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Duulista Hawada ilaa iyo hadda si rasmi ah ugama hadlin arrintan, mana aysan ka jawaabin codsiga Taiwan ee ah in la caddeeyo sababaha go’aankaas iyo suurtagalnimada dib u eegis lagu sameeyo.

Tallaabada cusub ee Soomaaliya waxay si cad u muujineysaa mowqifkeeda ah in aysan aqoonsanayn madax-bannaanida Taiwan, iyadoo si buuxda u taageereysa mabda’a “Hal Shiinah” ee ay dowladda Beijing ku doodo. Waxay sidoo kale markhaati ka tahay isbaheysiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, xilli ay labada dhinac sare u qaadayaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo horumarka.

Dhanka kale, waxay xoojin kartaa xiisadda u dhexeysa Taiwan iyo dowladaha taageera Shiinaha, gaar ahaan marka la eego doorka sii kordhaya ee Taiwan ay ku leedahay Geeska Afrika iyada oo adeegsaneysa wakiilladeeda Somaliland.

Latest stories