HomeWararDadka aan Sharciga Lahayn oo Somaliland Laga Dalbaday Inay Baxaaan

Dadka aan Sharciga Lahayn oo Somaliland Laga Dalbaday Inay Baxaaan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay amar ku socda “dadka ajnabiga ah ee aan haysan sharciga dalka”, kaas oo ku amraya inay ka baxaan gudaha saddex maalmood ah. Amarka ayaa dhaqan galaya maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Abriil, waxaana dadkaasi laga doonayaa inay dalka isaga baxaan ugu dambeyn 2-da Maajo. Qoraal rasmi ah oo kasoo […]

- Advertisement -

Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay amar ku socda “dadka ajnabiga ah ee aan haysan sharciga dalka”, kaas oo ku amraya inay ka baxaan gudaha saddex maalmood ah.

Amarka ayaa dhaqan galaya maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Abriil, waxaana dadkaasi laga doonayaa inay dalka isaga baxaan ugu dambeyn 2-da Maajo.

- Advertisement -

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ayaan lagu caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankan, hase yeeshee waxaa laamaha amniga lagu wargeliyay inay si buuxda u fuliyaan amarka.

Somaliland waxaa ku nool dad kasoo jeeda gobollada kale ee Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta, kuwaas oo maamulka Somaliland u arko inay yihiin ajaanib.

Sidoo kale, waxaa jira dad Itoobiyaan ah oo aan heysan wax dukumenti ah, kuwaasoo ka soo gudbay xuduudda una soo tallaabay gudaha Somaliland.

- Advertisement -

Ma aha markii ugu horreysay ee Somaliland ay soo saarto amar noocan ah oo lagu tarxiilayo dadka aan heysan sharciga dalka.

Latest stories