HomeWararHay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Soo Qabanqaabisay Aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo ku...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Soo Qabanqaabisay Aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo ku Saabsan Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah iyo Nidaamyada Digniinta Hore ee taleefannada Gacanta.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Muqdisho, Soomaaliya – 29 Abriil 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah iyo nidaamyada digniinta hore ee taleefannada […]

- Advertisement -

Muqdisho, Soomaaliya – 29 Abriil 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah iyo nidaamyada digniinta hore ee taleefannada gacanta (CB-EWS), oo qeyb ka ah Tiirka 3aad ee hindisaha “Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay” (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsiga, oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo shirkadaha bixiya adeegyada internetka iyk qaar kamid ah Hay’adaha dowladda.

- Advertisement -

Dr. Mustafa Almahdi, Wakiilka ITU, oo hadal ka jeediyay furitaanka aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee isgaarsiintu ku leedahay badbaadinta nolosha, isagoo adkeeyay sida ITU uga go’an tahay taageeridda dadaallada Soomaaliya ee hoos yimaada hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa iftiimiyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo diyaar-garowga qaran iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada casriga ah ee digniinta.

Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay dhisidda hannaan isgaarsiineed oo degdeg ah oo la isku hallayn karo, oo daboolaya baahiyaha dalkeenna.

- Advertisement -

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee aqoon-is-weydaarsiga, ka-qaybgalayaashu waxay falanqeyn doonaan xeer nidaamiyayaasha iyo shuruucda heer farsamo ee lagu hawlgelinayo Nidaamka Digniinta Hore ee Taleefannada Gacanta (CB-EWS) ee dalkeenna, dib-u-eegista habraacyada wadashaqaynta hay’adaha ee lagu maareeyo dirista digniinaha degdegga ah, aqoonsiga arrimaha farsamo iyo sharciyeed ee fududeynaya gudbinta farriimaha iyada oo loo marayo shabakadaha mobilada, iyo ku heshiinta qorshaha hirgelinta CB-EWS oo la waafajinayo tiirarka kale ee hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu qayb ka yahay dadaallada socda ee hindisaha EW4All si loo xaqiijiyo in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay helaan digniin hore oo degdeg ah oo wax ku ool ah.

 

 

 

 

 

 

 

Latest stories