HomeWararSoDMA oo Taageertay Ciidanka Dhaawacmay ee Furimaha Dagaalka

SoDMA oo Taageertay Ciidanka Dhaawacmay ee Furimaha Dagaalka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Agaasimaha Caafimaadka Hay’adda SoDMA, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ku booqday dhaawacyada geesiyaasha qaranka ee maanta AS ku jabiyay dagaallo ka dhacay degaannada Wargaadhi iyo Labi-goley ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Gudoomiyaha oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Agaasimaha Caafimaadka Hay’adda SoDMA, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ku booqday dhaawacyada geesiyaasha qaranka ee maanta AS ku jabiyay dagaallo ka dhacay degaannada Wargaadhi iyo Labi-goley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira AS ayaa Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Md. Saadaam Cabdullaahi Cismaan ku wareejiyay daawooyinka gargaarka degdegga ah iyo gaari Aambalaas ah oo loogu tala-galay in loogu adeeego ciidanka qaranka iyo geeshiyaasha u taagan dib u xoreynta dalka.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa ammaanay doorka naf-hurnimo ee ciidamadu ku muujinayaan furimaha hore ee dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda ay ka go’an tahay xoojinta adeegyada iyo daryeelka ciidanka geesiyaasha ah ee ku jira howlgalada ka dhanka ah.

 

Latest stories