HomeWararXubno ka tirsan kooxda Alshabaab ooo lagu laayay weerar culus oo ka...

Xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ooo lagu laayay weerar culus oo ka dhacay duleedka Aadan-yabaal

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ay fuliyeen weerar culus oo qorsheysan oo ka dhan ah kooxo katirsan Khawaarijta, kuwaasoo is uruursanayay meel u dhow degmada Aadan-yabaal. Weerarka oo si xeel dheer loo agaasimay ayaa sababay dagaal xooggan oo ka […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ay fuliyeen weerar culus oo qorsheysan oo ka dhan ah kooxo katirsan Khawaarijta, kuwaasoo is uruursanayay meel u dhow degmada Aadan-yabaal.

Weerarka oo si xeel dheer loo agaasimay ayaa sababay dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka u dhexeeya Mabaax iyo Aadan-yabaal.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa ku tilmaamay mid “guul weyn ah,” iyagoo xaqiijiyay in lagu dilay tiro badan oo kamid ah Khawaarijta, islamarkaana uu si buuxda u fashilmay qorshihii ay wateen.

Goobta dagaalka ayaa haatan ah mid ay yaallaan meydad fara badan oo Khawaarij ah, waxaana socda qiimeyn rasmi ah oo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah ee la gaarsiiyay cadowga.

Ciidamada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dhinacooda, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida ciidamada deegaanka ee howlgallada la dagaallanka Khawaarijta.

- Advertisement -

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay howlgal ballaaran oo socda, loogana golleeyahay in lagu dabar-gooyo xubnaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dhexe ee dalka.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay si buuxda isaga kaashanayaan dagaalka argagixisada, ayna sii wadi doonaan howlgallada nadiifinta ah ilaa laga xaqiijinayo amniga deegaannadaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in aysan jirin wax wada xaajood ah oo lala geli doono kooxaha Khawaarijta, waxayna ammaan u jeedisay geesinimada ciidamada deegaanka ee sii xoojinaya dadaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah ee caqabad ku ah xasiloonida dalka.

Latest stories