HomeWararSoomaaliya oo Dadaal Ugu Jirta Sii Daynta Maxaabiis Dil Ku Xukuman oo...

Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jirta Sii Daynta Maxaabiis Dil Ku Xukuman oo Ku Xiran Sucuudiga

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga wada hadlay sii daynta in ka badan 100 maxbuus Soomaali ah oo ku xiran gobolka Najraan ee koonfurta Sucuudiga, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu xukumay dil. Qunsulka guud ee Soomaaliya ee Jiddah, Cabdiweli Xirsi Cabdille (Indhoguran), ayaa toddobaadkan booqday xabsiyada […]

- Advertisement -

Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga wada hadlay sii daynta in ka badan 100 maxbuus Soomaali ah oo ku xiran gobolka Najraan ee koonfurta Sucuudiga, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu xukumay dil.

Qunsulka guud ee Soomaaliya ee Jiddah, Cabdiweli Xirsi Cabdille (Indhoguran), ayaa toddobaadkan booqday xabsiyada ay ku xiran yihiin maxaabiistaas, isagoo la kulmay amiirka gobolka Najraan Jalami Bin Cabdicasiis Aala Sacuud iyo taliyaha xabsiga.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in dadka xidhan ay u kala baxaan:

58 qof oo horey loo xukumay

57 qof oo dacwadoodu wali socoto

- Advertisement -

9 kale oo aan weli la maxkamadeyn

Qunsulka ayaa tilmaamay in xaaladda caafimaad ee maxaabiista ay wanaagsan tahay, inkastoo ay cabashooyin qabaan.

Maxaabiista ayaa dalbaday in loo helo macallin si ay u sii horumariyaan aqoontooda diimeed, taas oo ay madaxda xabsigu oggolaadeen.

Wadahadalladan ayaa noqonaya tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay doonayso in loo naxariisto muwaadiniinteeda xiran.

Latest stories