HomeWararSomalia iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga socdaalka

Somalia iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga socdaalka

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo Xoghayaha Amniga GudahaMudane Thomas Saka. Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Duhulow ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, waxa […]

- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo Xoghayaha Amniga GudahaMudane Thomas Saka.

Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Duhulow ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, waxa uuna kala hadlay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee adeegyada socdaalka, oo ay ka mid yihiin fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan helitaanka oggolaanshaha dal-ku-galka dalkaas.

- Advertisement -

Waxa uu sidoo kale kala hadlay wadashaqeynta dhinaca amniga xuduudaha, is-dhaafsiga xogta socdaalka, horumarinta isku-socodka xuduudaha, iyo nidaamyada dijitaalka ah ee socdaalka.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa xaqiijisay ballanqaadka Kenya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hagaajinta wada-shaqeynta socdaalka ee labada dal.

Kulankan waxa qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo adeegyada socdaalka si ay ugu adeegaan danaha shacabka labada waddan.

Latest stories