HomeWarar𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗦𝗖—𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶𝗱 𝗿𝗮𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮”

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗦𝗖—𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶𝗱 𝗿𝗮𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮”

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood, ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabad weyn oo ay ka soo qeybgaleen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, taasi oo loogu magac-daray habeenka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo. Mudane Xamsa, […]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood, ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabad weyn oo ay ka soo qeybgaleen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, taasi oo loogu magac-daray habeenka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo.
Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, caawa kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda SSC-Khaatumo in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.
“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu kalmado ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dhageystay madaxda heerarkooda kala duwan, isimada dhaqanka iyo dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulshada ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.

Latest stories