HomeWararRai’suul Wasaaraha XFS Mudane 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗕𝗮𝗿𝗿𝗲 oo Xarigga ka Jaray Laanta...

Rai’suul Wasaaraha XFS Mudane 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗕𝗮𝗿𝗿𝗲 oo Xarigga ka Jaray Laanta 𝗡𝗜𝗥𝗔 ee Maamulka 𝗦𝗦𝗖-𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

𝗟𝗮𝗮𝘀𝗰𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗱, 𝗦𝗦𝗖-𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼, 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 𝟏𝟑, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Ra’iisul Waraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaaddir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallim Fiqi, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha, Mudane Sulub […]

- Advertisement -

𝗟𝗮𝗮𝘀𝗰𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗱, 𝗦𝗦𝗖-𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼, 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 𝟏𝟑, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Ra’iisul Waraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaaddir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallim Fiqi, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha, Mudane Sulub Axmed Firin, iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa si wadajir ah maanta xarigga uga jaray Laanta Guud ee ay NIRA ku yeelanayso magaalo-madaxda Maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Munaasabadda Xarig-jarka ka sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay daadejinta adeeg-bixinta Dowladda Federaalka iyo in dhammaan adeegyada asaasiga ah la gaarsiiyo deegaannada SSC-Khaatumo, isagoona xusay muhiimadda Kaarka Aqoonsiga Qaranku u leeyahay casriyaynta iyo dhijitaalaynta adeegyada Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

- Advertisement -

Sidoo kale, Hoggaamiye Firdhiye ayaa isna dhankiisa ku bogaadiyay DFS iyo Hay’adda NIRA sida ay mudnaan gaar ah u siiyeen hirgelinta Laanta NIRA ee SSC-Khaatumo, isagoona shacabka deegaanka ku boorriyay inay is-diiwaangeliyaan.

Intii ay munaasabadda Xarig-jarku socotay ayaa hawl-wadeennada NIRA hannaanka diiwaangelinta mariyeen Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Garaad Cabdillaahi Garaad Saleebaan, Garaad Cabdisalaan Xasan, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Garaad Saleebaan Buraale, Isimo kale, iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada oo madasha ka qayb-galay.

Latest stories