HomeWararWiil dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo – Booliska Puntland...

Wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo – Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay eedeysanayaal

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dishay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan, kaas oo kamid ahaa dhalinyarada da’da yar ee deegaanka. Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafadaha waqooyiga magaalada, gaar ahaan agagaarka masjid ku yaalla halkaas, xilli uu kasoo baxay salaadda maqrib. Sida ay […]

- Advertisement -

Dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dishay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan, kaas oo kamid ahaa dhalinyarada da’da yar ee deegaanka.

Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafadaha waqooyiga magaalada, gaar ahaan agagaarka masjid ku yaalla halkaas, xilli uu kasoo baxay salaadda maqrib. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, dableyda dilka geysatay ayaa si lama filaan ah ugu soo dhuftay rasaas marxuumka, iyadoo markiiba goobta ka baxsaday.

- Advertisement -

Falkaan naxdinta leh ayaa argagax ku reebay dadka deegaanka, iyadoo si weyn looga dareemay baraha bulshada iyo guud ahaan xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo. Marxuum Cabdirashiid ayaa la tilmaamay inuu ahaa wiil dagan, bulshadana dhexdeeda si fiican looga yaqaanay, islamarkaana aan wax dhibaato ah lagu aqoon.

Saacadihii xigay dilka, ayaa ciidamada Booliska gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan labo ruux oo loo haysto in ay ka dambeeyeen falkaas. Qoraal kooban oo kasoo baxay saldhigga Booliska gobolka Mudug ayaa lagu xaqiijiyay in eedeysanayaasha hadda lagu hayo gacanta ciidamada, islamarkaana baaritaanno lagu wado.

Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan 2 eedeysane, kuwaas oo ka dambeeyay dilkii Marxuum Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan, oo Salaaddii Maqrib ee caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

- Advertisement -

Warbixinta Boolisku waxay sidoo kale xustay in kiiska loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo horkeeno eedeysanayaasha, iyadoo la ballanqaaday in cadaaladda la marsiin doono.

Dadweynaha magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn u cambaareeyay falka dilka ah, iyagoo codsaday in la adkeeyo amniga magaalada iyo in la cirib tiro kooxaha ku lugta leh falalka dilalka qorsheysan.

Latest stories