HomeWararTaliyaha Ciidammada Xoogga  oo hambalyo u diray Ciidammada Qaranka xuska 12ka April...

Taliyaha Ciidammada Xoogga  oo hambalyo u diray Ciidammada Qaranka xuska 12ka April awgeed

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Furimaha hore – 12ka April 2025: Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si rasmi ah ugu hambalyeeyay dhammaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda 12-ka April, oo ku asteysan maalinta dhidibada loo taagay Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha oo hadda ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa si gaar […]

- Advertisement -

Furimaha hore – 12ka April 2025: Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si rasmi ah ugu hambalyeeyay dhammaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda 12-ka April, oo ku asteysan maalinta dhidibada loo taagay Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha oo hadda ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay geesiyaasha ku sugan jiidda hore ee dagaalka, kuwaas oo uu tilmaamay in ay yihiin tiirka difaaca qaranka iyo astaan u ah dadaalka lagu xoreynayo dalka. “Ciidanka Xoogga Dalka waa tiirka qaranka, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan askarta Soomaaliyeed iyo eheladooda munaasabadda qiimaha badan ee 12-ka April,” ayuu yiri Taliyaha.

- Advertisement -

Taliyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaaladda dagaalka ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo sheegay in howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu marayo meel xasaasi ah, isla markaana uu yahay kii ugu culus ee dhawaanahan laga sameeyo gobolladaas. Waxa uu intaas ku daray in dagaalka lagu xoreynayo deegaanadaasi uu sii socon doono ilaa laga cirib tiro cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa farriin dhiirrigelin ah u diray Ciidamada Maamulka Puntland, isagoo si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari.

“Waxaan la dardaarmayaa Ciidamada Puntland in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, guulaha ay gaareenna waa kuwo muujinaya in cadow kasta oo qaranimada iyo nabadda lid ku ah la jabin karo haddii la isku duubnaado,” ayuu yiri Taliyaha.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka ayaa sheegay in qorsheyaal dheeraad ah lagu diyaariyay xoojinta gulufka dagaalka, si loo xaqiijiyo xasillooni iyo nabad waarta guud ahaan dalka.

Latest stories