HomeWararRW Xamse oo Ciidanka Xoogga dalka ugu Hambalyeeyay 65 Sano Guurada kasoo...

RW Xamse oo Ciidanka Xoogga dalka ugu Hambalyeeyay 65 Sano Guurada kasoo wareegtay aas-aaskooda

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sanadguurada 65–aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Mudane Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay ay dadaal xooggan ku bixisay dhisitaanka, qalabaynta, […]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sanadguurada 65–aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay ay dadaal xooggan ku bixisay dhisitaanka, qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna guulo waaweyn ka soo hooyeen cadawga dalkeena u diidan horumarka ee AS.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda weyn ee qarankeenna u leeyahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda ammaanka iyo xuduudaha dalka, kana difaaca shacabka Soomaaliyeed khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno in uu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda, diintooda iyo dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay maalin iyo habeen u taagan yihiin.

Latest stories