HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Laascaanood

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Laascaanood – Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, gegida diyaaradaha ee magaalada Laascaanood maanta oo Sabti ah. Soo dhaweyntan oo ahayd mid heer sare ah oo si weyn loo agaasimay, ayaa noqonaysa bilowga safar shaqo oo taariikhi ah oo […]

- Advertisement -

Laascaanood – Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, gegida diyaaradaha ee magaalada Laascaanood maanta oo Sabti ah.

Soo dhaweyntan oo ahayd mid heer sare ah oo si weyn loo agaasimay, ayaa noqonaysa bilowga safar shaqo oo taariikhi ah oo Ra’iisul Wasaaruhu ku tagayo deegaanada maamulka SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Kadib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay garoonka, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyey qasriga uu ka degi doono caasimadda gobolka Sool, halkaas oo kulamo muhiim ah ay uga bilaaban doonaan.

Mudada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, wuxuu si dhow u indha-indheyn doonaa xaaladaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira deegaanada SSC-Khaatumo. Waxaa la filayaa inuu la kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo ganacsatada, si uu u dhegeysto cabashooyinkooda, talooyinkooda iyo aragtidooda ku aaddan mustaqbalka gobolka.

Safarkan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo ka turjumaya doorka dowladda dhexe ee xoojinta wadajirka, wada-shaqeynta iyo soo celinta kalsoonida shacabka ku dhaqan deegaannada dhowaan kasoo baxay colaadaha.

Latest stories