HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal Hambalyo ah u Diray Ciidanka Xoogga Dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal Hambalyo ah u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray qeybaha, talisyada iyo darajooyinka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay xuska 65 guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada […]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray qeybaha, talisyada iyo darajooyinka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay xuska 65 guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ka xoreeyeen, isagoo bogaadiyey naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda difaacaan, kana sifeeyaan argagixisada ku soo duushay.
“Ciidamadeennu waxay naftooda u hureen difaaca dalkeenna iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha soo socda. Mudadii la soo dhaafay, waxay guulo muhiim ah ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, iyagoo xoreeyay deegaano badan oo muhiim ah, isla markaana jab xoogan u geystay kooxaha nabad-diidka ah”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo kor u qaadidda nolosha Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed.

Latest stories