HomeWararSoodhaweynta Wafdiga RW Xamse Barre oo si weyn looga dareemayo Magaalada Laascaanood

Soodhaweynta Wafdiga RW Xamse Barre oo si weyn looga dareemayo Magaalada Laascaanood

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda maamulka SSC-Khaatumo, ayaa maanta qarka u saaran inay martigeliso mid ka mid ah booqashooyinka heer qaran ee ugu miisaanka culus sanadkan, iyadoo si weyn loo dareemayo qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre. Saacadihii ugu dambeeyay ayaa magaalada si rasmi ah isu bedeshay. Waddooyinka waa […]

- Advertisement -

Magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda maamulka SSC-Khaatumo, ayaa maanta qarka u saaran inay martigeliso mid ka mid ah booqashooyinka heer qaran ee ugu miisaanka culus sanadkan, iyadoo si weyn loo dareemayo qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa magaalada si rasmi ah isu bedeshay. Waddooyinka waa la nadiifiyay, waxaana lagu xardhay boorar iyo sawirro muujinaya RW Xamse oo ay la socdaan hal-ku-dhigyo soo dhaweyn ah sida “Laascaanood Waa Ku Soo Dhaweyneysaa” iyo “Nabad Iyo Horumar ”. Dadweynaha deegaanka ayaa si isdaba joog ah ugu qulqulaya wadooyinka, iyagoo gacmaha ku sita calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo midka SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Warar rasmi ah ayaa xaqiijinaya in wafdi hordhac ah oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka uu shalay gaaray Laascaanood, si ay u dardar geliyaan qabanqaabada iyo la-tashiyada horudhaca ah. Wafdigan ayaa si dhow ula shaqeynaya maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay. Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn, iyadoo laga dareemayo feejignaan dheeri ah si loo xaqiijiyo in socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu uu ku dhaco si nabdoon oo hufan. Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in diyaargarowgii ugu dambeeyay ee bixitaanka RW Xamse uu hadda si rasmi ah u socdo, taasoo la micno ah in Laascaanood ay saacadaha soo socda martigelin doonto hoggaamiyaha ugu sarreeya xukuumadda dalka.

Shacabka Laascaanood oo warbaahinta la hadlay ayaa si weyn u muujiyay dareenkooda farxadeed. “Waa maalin taariikhi ah, waana u riyaaqsanahay in Ra’iisul Wasaaruhu nagu soo booqdo,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha deegaanka. Dhalinyaro kale oo ka mid ahaa dadkii isugu soo baxay waddooyinka ayaa sheegay in socdaalkaan uu horseedi karo horumar, dib-u-heshiisiin, iyo garab istaag muuqda oo dowladda federaalku u muujiso bulshada SSC.

- Advertisement -

Waxaa xusid mudan in socdaalka RW Xamse uu marar hore dib u dhacay sababo siyaasadeed dartood, balse haatan waxaa muuqata in caqabadihii jiray laga gudbay, iyadoo socdaalkani uu noqonayo mid muujinaya isfaham iyo ka shaqeynta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Wixii kusoo kordha, wararka Laascaanood iyo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha, la soco wararkeena xiga.

Latest stories