HomeWararGeneraal Sheegow oo maanta meydkiisa Muqdisho laga sagootiyay iyo Halka lagu aasayo

Generaal Sheegow oo maanta meydkiisa Muqdisho laga sagootiyay iyo Halka lagu aasayo

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay mid kamid ah munaasabadihii tacsida ugu weynaa ee sanadkan, iyadoo kumanaan qof ay ka qayb galeen Salaadda Janaasada ee loogu ducaynayay Allaha u naxariistee Janaraal Sheegow Axmed Cali, oo dhawaan ku geeriyooday isbitaal ku yaalla caasimadda kadib xanuun la xariiray beerka oo muddo dheer hayay. Goobta Salaadda Janaasada oo ahayd […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay mid kamid ah munaasabadihii tacsida ugu weynaa ee sanadkan, iyadoo kumanaan qof ay ka qayb galeen Salaadda Janaasada ee loogu ducaynayay Allaha u naxariistee Janaraal Sheegow Axmed Cali, oo dhawaan ku geeriyooday isbitaal ku yaalla caasimadda kadib xanuun la xariiray beerka oo muddo dheer hayay.

Goobta Salaadda Janaasada oo ahayd mid ay si weyn uga dhex muuqdeen dadweyne, ehel, qaraabo iyo masuuliyiin sare, ayaa waxaa si gaar ah loo dareemayay murugada iyo calool xumida ay ka muuqato wejiyada shacabka, gaar ahaan xubnaha ka soo jeeda beesha uu marxuumku ka dhashay.

- Advertisement -

Waxaa dareen gaar ah lahaa socodka dadweynaha ee maydka Marxuum Sheegow laga bilaabay Isbitaalka Digfeer ilaa Garoonka Aadan Cadde, iyadoo dad isugu jira dhalinyaro, haween iyo odeyaal dhaqameedyo ay lug ku sii wadeen maydka marxuumka, iyagoo garbaha ku sida – arrin xusuus reeb leh oo muujisay sida uu bulshada ugu lahaa saameyn iyo raad nololeed.

Socodkaas waxaa uu sababay in muddo gaaban uu hakad galo isku socodka gaadiidka waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanku ay si dhow u ilaalinayeen ammaanka dadkii socodka ku jiray. Wararka qaar ayaa tilmaamaya in qiyaastii hal saac ay waddooyinka muhiimka ah ee u dhow garoonka diyaaradaha xirmayeen.

Masuuliyiin heer sare ah ayaa ka qayb galay Salaadda Janaasada, oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada, Jeneraal Liibaan Cali Yarow, iyo saraakiil kale.

- Advertisement -

Janaraal Sheegow, oo horey xabsi ugu xukunnaa, ayaa ku geeriyooday xilli uu u xirnaa dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii lagu helay dambiyo culus oo lagu soo oogay. Inkasta oo uu xabsi ku jiray, haddana geeridiisu waxay abuuraysaa su’aalo siyaasadeed iyo dareen murugo leh oo ka dhex abuurmay saaxadda siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Ehelkiisa iyo qoyska marxuumka ayaa si cad u dhaliilay dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay inay dayacday caafimaadka iyo xuquuqda nolosha ee marxuumka intii uu ku xirnaa xabsiga. Arrintan ayaa dhalisay dood weyn oo ku saabsan daryeelka maxaabiista iyo sida dowladda ay uga falceliso xaaladaha caafimaad ee degdegga ah ee xabsiyada.

Maydka Janaraalka ayaa haatan loo qaaday magaalada Jowhar, xarunta Maamulka Hirshabeelle, halkaas oo lagu wado in lagu aaso. Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale isu diyaarineysa tacsida iyo aas qaran oo heer sare ah, iyadoo la filayo in masuuliyiin kale ay halkaas uga qayb galaan.

Geerida Janaraal Sheegow Axmed Cali ayaa xusuus iyo dood cusub kusoo kordhisay masraxa siyaasadda dalka – mid ka tarjumeysa xanuunka, xiisadda, iyo is-eedeynta siyaasadeed ee weli dhex taal hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.

Latest stories