HomeWarar𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay masuuliyiin Dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee […]

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay masuuliyiin Dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait, kulan kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa maalgalin ku saabsan ilaha dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo Dowladda Kuwait ay hore gacan balaaran uga gaysatay.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay fursada maalgalineed ee u baahan in iskaashi gaar ah laga yeesho iyada oo diiradda la saarayo maalgalinta ilaha wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed ay aadka u danaynayaan si dhaqaalaha gudaha dalka uu sare ugu kaco.
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay in Sanduuqani uu door muhiim ah kulahaa in Dowladda Soomaaliya ay gaarto bartii kama dambeysta ee hannaankii deyn cafinta, sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa sheegay in kulanka ay hada la yeesheen Agaasimaha Guud ee Kuwait Fund Mr. Waleed Shamlan Al-Bahar ay warbixin guud ka siiyeen heerka maaliyadeed ee maanta ay taagan yihiin kadib deyn cafintii iyo qorshe yaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay mihiimadda siinayso.
Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaaliya ee sida joogtada ah uga qeyb qaatay safarkii Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Dhaqaalaha iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadeed ee dalka.

Latest stories