HomeWararCiidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Ballaaran ka Fuliyey Deegaanka Geel-gub, Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Ballaaran ka Fuliyey Deegaanka Geel-gub, Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee iskaa u abaabulan, ayaa saaka aroortii hore fuliyay howlgal ballaaran oo qorsheysan, kaas oo lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka oo ahaa mid si xeel dheer […]

- Advertisement -

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee iskaa u abaabulan, ayaa saaka aroortii hore fuliyay howlgal ballaaran oo qorsheysan, kaas oo lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid si xeel dheer loo abaabulay, ayaa laga qaaday dhowr jiho, waxaana si toos ah loo beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka, iyo goobo kale oo la tuhunsanaa in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka uu yahay mid weli socda, iyadoo dagaal culus uu ka qarxay duleedka Geel-gub. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin tirada dhimashada iyo dhaawaca ilaa hadda.

Goobjoogayaal ku sugan nawaaxiga deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn oo muujinaya darnaanta dagaalka, halka warar kale ay sheegayaan in qaar ka mid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab ay baxsadeen markii uu dagaalku bilowday.

Taliyayaal sare oo qeyb ka ahaa hoggaanka ciidamada howlgalka qaaday ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay si rasmi ah ula hadlaan warbaahinta, si ay uga faalloodaan natiijada iyo ujeedka howlgalkaas muhiimka ah.

- Advertisement -

Howlgalka Geel-gub ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay kordhiyeen gulufka milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo bartilmaameedka ugu weyn uu yahay in kooxdaasi laga sifeeyo guud ahaan deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa la filayaa in hawlgalladan ay sii socdaan maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasiloonida deegaannada lagala wareegayo kooxda.

Latest stories