HomeWararTALIYAHA CUSUB EE GUUTADA ILAALADA MADAXTOOYADA QARANKA OO SI RASMI AH XILKA...

TALIYAHA CUSUB EE GUUTADA ILAALADA MADAXTOOYADA QARANKA OO SI RASMI AH XILKA UGALA WAREEGAY

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee Guutada Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/dhexe Maslax Maxamuud Maxamed ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay, Taliyihii hore ee Guutada Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, kaddib Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Guutada ee Madaxtooyada Qaranka. Taliyaha cusub ee Guutada 77 ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha […]

- Advertisement -

Taliyaha cusub ee Guutada Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/dhexe Maslax Maxamuud Maxamed ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay, Taliyihii hore ee Guutada Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, kaddib
Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Guutada ee Madaxtooyada Qaranka.

Taliyaha cusub ee Guutada 77 ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh sugidda
ammaanka Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Taliyihii hore ee Guutada shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilkan hayay.

- Advertisement -

Dhankiisa, Taliyihii hore ee Guutada Ilaalada Madaxtooyada Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, ayaa ka dalbaday Sarreeyaasha, iyo Saraakiisha Guutada in ay ku garab istaagaan Taliyaha cusub gudashada masuuliyadda loo igmaday, isaga oo ku ammaanay howlkarnimadii uu muujiyay muddada uu Taliyaha cusubi ahaa Taliyaha Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Taliyaha cusub ee Guutada 77 G/dhexe Maslax Maxamuud Maxamed ayaa muddo ka badan 14 sano ah kusoo dhex jiray Ciidamada Qalabka sida, isaga oo kasoo qabtay mas’uuliyada kala duwan sida Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, xilkaasi oo uu hayay sanadihii u dambeeyay.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Guddiga Xilwareejinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Latest stories