HomeWararSocdaalka La Filayo in RW Xamse Ku Taggo Laascaanood oo Xiisad Siyaasadeed...

Socdaalka La Filayo in RW Xamse Ku Taggo Laascaanood oo Xiisad Siyaasadeed Abuuray

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay ayaa ka dhalatay qorshaha socdaal ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, uu ku tagi lahaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sidoo kale ah xarunta maamulka cusub ee SSC-Khaatumo. Socdaalkan oo qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ku muujinayso taageerada ay u hayso maamulka […]

- Advertisement -

Xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay ayaa ka dhalatay qorshaha socdaal ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, uu ku tagi lahaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sidoo kale ah xarunta maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Socdaalkan oo qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ku muujinayso taageerada ay u hayso maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si weyn uga careysiiyay madaxda iyo saraakiisha sare ee maamulka Somaliland, kuwaas oo si kulul uga horyimid booqashada lagu wado in Xamse uu halkaasi ku tago.

- Advertisement -

Siyaasiyiin, xildhibaano iyo taliyeyaal ciidan oo ka tirsan Somaliland ayaa hadallo kulul ka jeediyay arrintan, iyagoo ku tilmaamay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha mid gardarro iyo xadgudub ku ah midnimada dhuleed ee Somaliland.

Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si aan gabasho lahayn ugu goodiyay in diyaarad kasta oo qaadda wafdiga Ra’iisul Wasaaraha laga hor istaagi doono inay kusoo degto garoonka Laascaanood. Mid kamid ah xildhibaanada ayaa si cad u yiri:

“Haddii Xamse yimaado Laascaanood, Somaliland waxa la gudboon in diyaaraddiisu ay samada ku olosho. Waxaan leenahay ciidan, diyaarado dagaal, iyo awood aan kaga hortagno faragelintaasi.”

- Advertisement -

Sidoo kale Warar la helayo ayaa sheegaya in Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland uu hadda ku sugan yahay jiidda hore ee deegaanka Oog ee gobolka Sool, halkaas oo ay ciidamada Somaliland xoog ku joogaan.

Ilo wareedyo amni ayaa tilmaamaya in halkaasi lagu qabtay shir gaar ah oo ay iskugu yimaadeen saraakiisha ugu sarreysa ee taliska ciidamada, iyadoo looga hadlayay jawaabta milatari ee laga bixin karo haddii Ra’iisul Wasaare Xamse uu hirgeliyo socdaalkiisa.

Shirkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay si gaar ah isha ugu hayaan madaxda sare ee Somaliland, taasoo muujinaysa in laga yaabo in ay xukuumaddu u aragto safarka Xamse mid halis ku ah “qaranimada” ay sheegato.

Aragtida Xildhibaanada iyo Doorka Xukuumaddii Hore

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay xukuumaddii hore ee Muuse Biixi, iyagoo ku tilmaamay inay sabab u ahayd in magaalada Laascaanood ay si toos ah uga hoos baxdo gacanta Somaliland, kadib markii dadka deegaanka ay si cad u taageereen maamulka SSC-Khaatumo oo sheegtay inuu matalayo doonista shacabka.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in xukuumaddii Muuse Biixi ay ku guuldareysatay inay la timaado xal siyaasadeed iyo mid amni oo wax ka qabta cabashooyinka shacabka Laascaanood, taasoo fursad siisay dowladda federaalka iyo SSC inay xoojiyaan xiriirkooda.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa haatan noqday mid si dhow isha loogu hayo, iyadoo siyaasiyiin badan ay is weydiinayaan haddii uu dhab ahaan u tagi doono Laascaanood, iyo haddii ay suuragal noqon doonto in safarkiisu horseedo isbedel siyaasadeed oo weyn oo ka dhex dhaca dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay si taxaddar leh uga fiirsato jawaabta ay ka bixiso hadallada hanjabaadda ah ee kasoo yeeraya madaxda Somaliland, iyadoo dhinaca kale lagu wado in SSC-Khaatumo ay si weyn u soo dhaweeyaan booqashada Ra’iisul Wasaaraha.

Latest stories