HomeWararJeneraal Sheegow oo u Xirnaa Dowladda Soomaaliya ayaa Geeriyooday

Jeneraal Sheegow oo u Xirnaa Dowladda Soomaaliya ayaa Geeriyooday

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Sheegow Axmed Cali, oo ahaa Sarkaal horey loogu xiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana horay loo soo taagay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa iyo dad u dhow. Marxuumka Sheegow ayaa ahaa maxbuus muddo ku xirnaa xabsiga, iyadoo la sheegay in maalmahan uu la ildarnaa xanuun, laguna jiray […]

- Advertisement -

Sheegow Axmed Cali, oo ahaa Sarkaal horey loogu xiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana horay loo soo taagay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa iyo dad u dhow.

Marxuumka Sheegow ayaa ahaa maxbuus muddo ku xirnaa xabsiga, iyadoo la sheegay in maalmahan uu la ildarnaa xanuun, laguna jiray dadaallo lagu daweynayo xaaladdiisa caafimaad.

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku ridday Sheegow kadib markii lagu helay dambiyo ay kamid yihiin la dagaalanka Ciidanka Dowladda iyo ku lug lahaanshaha lacag dhaqis. Sidoo kale, xubno kamid ah maleeshiyaadkii lala xiriirinayay Sheegow ayaa iyagana la xukumay.

Geerida Sheegow Axmed Cali ayaa weli si rasmi ah loo shaacin sababteeda, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dhimashada sarkaalkan maxbuuska ahaa.

Wararkaan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xaaladda caafimaad ee maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.

- Advertisement -

 

 

Latest stories