HomeWararCiidamo Fuliyay Howlgal Qorshaysan oo Ka Dhacay Galgaduud oo la Gudoonsiiyay Abaalmarin...

Ciidamo Fuliyay Howlgal Qorshaysan oo Ka Dhacay Galgaduud oo la Gudoonsiiyay Abaalmarin Lacageed iyo Xoolo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

GALGADUUD – Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu abaalmariyay lacago iyo xoolo, kadib markii ay si guul leh u fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee bariga gobolkaasi. Howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana saraakiisha […]

- Advertisement -

GALGADUUD – Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu abaalmariyay lacago iyo xoolo, kadib markii ay si guul leh u fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee bariga gobolkaasi.

Howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana saraakiisha hoggaaminaysay ciidamadaasi ay tilmaameen in khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxdii lala beegsaday.

- Advertisement -

Ciidamada ku guuleystay fulinta howlgalkaasi ayaa si gaar ah loo gudoonsiiyay abaalmarinta, waxaana munaasabadda gudoonsiinta ka qeybgalay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Xildhibaano iyo Odayaal dhaqameed.

Sidoo kale, waxaa howlgalka ka qeyb qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda, kuwaas oo door muuqda ku lahaa fashilinta qorshayaashii kooxda Al-Shabaab ee deegaankaas.

Abaalmarintan ayaa lagu dhiirrigelinayaa geesinimada iyo dadaalka ay ciidamadaasi muujiyeen, iyadoo la rajeynayo in ay sare u qaaddo niyadda iyo waxqabadka ciidamada difaaca dalka.

Latest stories