HomeWararCiidamada Difaaca Puntland oo Howlgallo Culus ka Fuliyay Ceelka Bacool ee Togga...

Ciidamada Difaaca Puntland oo Howlgallo Culus ka Fuliyay Ceelka Bacool ee Togga Miiraale

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Miiraale, Puntland – Ciidamada Difaaca Puntland ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaanka Ceelka Bacool ee ku yaalla togga Miiraale, halkaas oo ay ku beegsadeen kooxaha Daacish ee muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayay buuraha iyo deegaannada u dhaxeeya Calmiskaad iyo Miiraale. Howlgalka oo qayb ka ah wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee […]

- Advertisement -

Miiraale, Puntland – Ciidamada Difaaca Puntland ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaanka Ceelka Bacool ee ku yaalla togga Miiraale, halkaas oo ay ku beegsadeen kooxaha Daacish ee muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayay buuraha iyo deegaannada u dhaxeeya Calmiskaad iyo Miiraale.

Howlgalka oo qayb ka ah wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Puntland, ayaa lagu burburiyay saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Daacish ku lahayd deegaankaas. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay lix kamid ah gaadiidka buuraha (Awr), kuwaas oo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay dhaqdhaqaaqooda buuraha iyo gaadiidka sahayda.

- Advertisement -

Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidamada, waxaa intii uu socday howlgalka si buuxda loo gubay talisyo iyo keyd sahayeedyo ay kooxda Daacish ku lahaayeen Ceelka Bacool.

Dhanka kale, saaxiibada caalamiga ah ee dhanka cirka ka taageeraya Soomaaliya ayaa duqeyn cir ah ku garaacay goobo muhiim ah oo kooxdu ku lahayd aaggaas, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Taliska Puntland ayaa sheegay in duleedka Miiraale uu ahaa saldhiggii ugu dambeeyay ee ay kooxda Daacish si muuqata ugu lahaayeen Calmiskaad, isla markaana aysan kooxdaasi wax iska caabin ah ku wajihin ciidamada weerarka qaaday. Tani waxay muujinaysaa in Daacish si buuxda looga sifeeyay gobolkaas, taas oo laga dhaxli karo nabadgelyo dheeraad ah iyo in bulshada deegaankaas ay si xor ah ugu noolaadaan.

- Advertisement -

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Difaaca Puntland ayaa sheegay:

“Howlgalkan wuxuu calaamad u yahay guusha buuxda ee laga gaaray wajiga saddexaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaan sii xoojin doonnaa dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya deegaannada Puntland.”

Howlgalladan ayaa imanaya iyadoo maamulku uu kordhiyay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka, iyadoo la filayo in wajiga afraad ee howlgalka dhowaan si rasmi ah loo bilaabo.

Latest stories