HomeWararSomalia oo ka Qeybgalaysa kulanka Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka

Somalia oo ka Qeybgalaysa kulanka Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Tashkent-Uzbekistan 06, April, 2025: Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo safar shaqo ku jooga wadanka Uzbekistan ayaa ka qeyb galay kulanka 150-aad ee xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka oo ka dhacay Magaaladda Tashkent ee caasimadda wadankaasi. Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galayaasha kulanka la wadaagay warbixin […]

- Advertisement -

Tashkent-Uzbekistan 06, April, 2025: Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo safar shaqo ku jooga wadanka Uzbekistan ayaa ka qeyb galay kulanka 150-aad ee xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka oo ka dhacay Magaaladda Tashkent ee caasimadda wadankaasi.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galayaasha kulanka la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Baarlamaanka Soomaaliya, shuruucda uu ka shaqeeyay iyo sidoo kale horumarka uu sameeyay

- Advertisement -

Sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa ka qeyb galay kulanka guddiga fulinta ee xoghayaasha baarlamaanadda carabta kaas oo horudhac u ahaa kulanka golaha guud ee Baarlamaanka aduunka oo ka dhici doona wadanka Aljeeriya, waxaana guddiga inta kulanka uu socday meelmariyay Ajendaha kulanka guud.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

 

Latest stories