HomeWararKoox Dabley ah oo Internet kii ka Jaray Qaybo ka mid ah...

Koox Dabley ah oo Internet kii ka Jaray Qaybo ka mid ah Gobolka Nugaal

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Burtinle, Nugaal – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo amni-darro ah oo saaka ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Nugaal ee Puntland, kadib markii koox dabley ah oo gadoodsan ay mar kale jareen xarkihii internet-ka ee magaalada Burtinle. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo maxalli ah, shirkadda isgaarsiinta ee Golis ayaa saaka laga gooyay […]

- Advertisement -

Burtinle, Nugaal – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo amni-darro ah oo saaka ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Nugaal ee Puntland, kadib markii koox dabley ah oo gadoodsan ay mar kale jareen xarkihii internet-ka ee magaalada Burtinle.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo maxalli ah, shirkadda isgaarsiinta ee Golis ayaa saaka laga gooyay adeeggeedii internet-ka ee magaalada Burtinle, taasoo sidoo kale saameyn ku yeelatay deegaano ka tirsan gobolka Mudug oo ay shirkaddu adeegga u gudbiso.

- Advertisement -

Kooxda falkan qaaday ayaa la sheegay inay yihiin dabley gadoodsan, kuwaas oo sheegay inay si ula kac ah u fuliyeen tallaabadan. Dhacdadan ayaa noqonaysa tii afaraad ee sanadkan 2025 laga jaro internet-ka magaalada Burtinle, taas oo sare u sii qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee halkaas.

Inkasta oo la xaqiijiyay jiritaanka kooxaha weerarkan fuliyay, haddana weli lama caddeyn ujeedada rasmiga ah ee ay ka leeyihiin falalkan. Laamaha ammaanka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdooyinka soo noqnoqday ee ceynkan ah.

Waxaa la filayaa in maamulka Puntland uu ka soo saaro war rasmi ah saacadaha soo socda, iyadoo shacabka ku nool Burtinle iyo nawaaxigeeda ay durba dareemayaan culeyska ka dhashay goosashada internet-ka.

- Advertisement -

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 

 

Latest stories