HomeWararCabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta Si Rasmi ah Xilka Gaashaandhigga u Wareejinaya

Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta Si Rasmi ah Xilka Gaashaandhigga u Wareejinaya

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Muqdisho – Waxaa hadda ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho munaasabad si heer sare ah loo agaasimay, taasoo uu Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, si rasmi ah xilka ugu wareejinayo. Munaasabaddan oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, ayaa la filayaa in ay goobjoog […]

- Advertisement -

Muqdisho – Waxaa hadda ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho munaasabad si heer sare ah loo agaasimay, taasoo uu Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, si rasmi ah xilka ugu wareejinayo.

Munaasabaddan oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, ayaa la filayaa in ay goobjoog ka noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

- Advertisement -

Wasiir Cabdulqaadir, oo xilka hayay muddo ka badan kuwii isaga ka horreeyay tan iyo dowladdii Kacaanka, ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Wasiirkii ugu waqtiga dheeraa ee qabtay xilkan tan iyo xilligaas, isaga oo door weyn ka ciyaaray dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed muddadii uu xilka hayay.

Cabdulqaadir Maxamedhawaan ayaa dhawaan la wareegi doono wasaarad kale oo uu dhawaan loo magacaabay.

Munaasabaddan ayaa ah mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo la sugayo khudbadaha ay jeedin doonaan madaxda sare ee dowladda iyo Wasiir Cabdulqaadir laftiisa, si loo muujiyo isbeddelka ku yimid hogaanka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo waxa laga filayo hoggaanka cusub.

- Advertisement -

Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha munaasabaddan, kala soco wararkeena xiga.

 

 

Latest stories