HomeWararBuuraleyda Cal-miskaad: Saaxiibada Caalamiga ah oo Beegsaday Kooxo Ka Tirsan Daacish

Buuraleyda Cal-miskaad: Saaxiibada Caalamiga ah oo Beegsaday Kooxo Ka Tirsan Daacish

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Buuraleyda Calmiskaad – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba duqeymood oo habeenkii xalay ka dhacay deegaanka buuraleyda Caal-miskeed, gaar ahaan togga Miraale oo kamid ah meelaha ay ku dhuumaaleysan jireen xubno ka tirsan kooxda Daacish. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeymahan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish, kuwaas […]

- Advertisement -

Buuraleyda Calmiskaad – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba duqeymood oo habeenkii xalay ka dhacay deegaanka buuraleyda Caal-miskeed, gaar ahaan togga Miraale oo kamid ah meelaha ay ku dhuumaaleysan jireen xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeymahan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish, kuwaas oo la sheegay in ay xilligaas ka soo baxeen godadkoodii si ay dhaqdhaqaaqyo cusub u bilaabaan. Waxaana isla markiiba la fuliyay weerarro cir ah oo si toos ah loogu bartilmaameedsaday.

- Advertisement -

Bayaan kooban oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ahayd cidda fulisay duqeymahan, iyagoo kaashanaya sirdoonka iyo kormeerka Puntland. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in weerarradan lagu dilay tiro kamid ah firxadka Daacish ee ku sugnaa togga Miraale.

Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu beegsanayo xarumaha iyo godadka ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha xagjirka ah ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, gaar ahaan deegaannada fog ee ay adagtahay in si dhulka ah loo galo.

Ilaa iyo hadda lama helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in duqeymahaasi ay ahaayeen kuwo si sax ah loogu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

- Advertisement -

Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha wararka duqeymahan, kala soco wararkeena xiga.

 

 

Latest stories