HomeWararMadaafiic Lagu Garaacay Xaafado Ka Tirsan Muqdisho iyo Dad Shacab Ah oo...

Madaafiic Lagu Garaacay Xaafado Ka Tirsan Muqdisho iyo Dad Shacab Ah oo Ku Dhaawacmay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Muqdisho – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya madaafiic  lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo si gaar ah loo beegsaday degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo qaarkood aad ugu dhow xayndaabka Madaxtooyada Soomaaliya. Goobaha ay madaafiicdu ku dhaceen waxaa si gaar ah loogu sheegay degmooyinka Boondheere iyo Wartanabadda, kuwaas […]

- Advertisement -

Muqdisho – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya madaafiic  lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo si gaar ah loo beegsaday degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo qaarkood aad ugu dhow xayndaabka Madaxtooyada Soomaaliya.

Goobaha ay madaafiicdu ku dhaceen waxaa si gaar ah loogu sheegay degmooyinka Boondheere iyo Wartanabadda, kuwaas oo labaduba ku yaalla bartamaha caasimadda, meel aan sidaa uga fogeyn xarunta madaxtooyada iyo xarumaha kale ee dowladda.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ku sugnaa meelaha ay madaafiicdu ku dhaceen ayaa u sheegay warbaahinta in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo uu ku dhaawacmay qof shacab ah oo aan weli si rasmi ah loo aqoonsan.

Sidoo kale, wararka laga helayo degmada Wartanabadda ayaa sheegaya in hoobiye kale uu ku dhacay barxadda degmadaasi, taasoo sababtay dhaawaca laba qof oo rayid ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay si weyn u maqleen jugta madaafiicda, taasoo cabsi gelisay shacabka ku nool agagaarka goobaha la beegsaday.

Waxaa intaas dheer in hoobiye kale uu ku dhacay guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Boondheere, balse weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada ama hay’adaha gurmadka.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay duqeyntan, iyadoo ay weli xiran yihiin waddooyinka qaar, islamarkaana aysan jirin war cad oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ammaanka Caasimadda ayaan weli ka hadlin dhacdadan, iyadoo shacabka ay weli su’aalo ka qabaan cida ka dambeysay weerarkan iyo ujeedkiisa. Waxaana socda baaritaanno horudhac ah oo ay wadaan hay’adaha ammaanka, iyadoo ilaa iyo hadda aysan caddeyn halka madaafiicdan laga soo tuuray.

Waxaan si dhow ula socon doonnaa wixii faahfaahin dheeraad ah ee kasoo kordha dhacdadan.

 

 

Latest stories