HomeWararShirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta looga hadlay dagaalka AS

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta looga hadlay dagaalka AS

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo AS ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo AS, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa […]

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo AS ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo AS, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira AS, isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.
Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.

Latest stories