HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti Kula Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti Kula Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada […]

- Advertisement -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga Labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts