HomeWararDowladda oo faahfaahin ka bixisay dagaaladii ugu Khasaaraha badnaa ee AS Lala...

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay dagaaladii ugu Khasaaraha badnaa ee AS Lala Galay Todobaadkan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgalladii todobaadkan ka dhacay gobollada dalka, kuwaas oo lagula dagaallamay kooxda AS. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar Maxamed, oo goordhow la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay gaareen guulo waaweyn, kadib dagaallo culus iyo duqeymo lagu beegsaday kooxda AS. Howlgallada ugu xooggan ayaa laga […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgalladii todobaadkan ka dhacay gobollada dalka, kuwaas oo lagula dagaallamay kooxda AS.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar Maxamed, oo goordhow la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay gaareen guulo waaweyn, kadib dagaallo culus iyo duqeymo lagu beegsaday kooxda AS.

- Advertisement -

Howlgallada ugu xooggan ayaa laga fuliyay gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dagaallo culus kula galeen kooxda AS.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xusay in ciidamada Macawiisleyda iyo kuwa Xoogga Dalka ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaal shalay ka dhacay deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo AS lagu gaarsiiyay khasaare ballaaran.

Dhinaca kale, dagaal kale oo ka dhacay degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose ayaa sababay khasaare culus oo la gaarsiiyay AS, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo October ayaa dagaalkaas ka qeyb qaatay, iyagoo iska caabiyay weerarkii AS.

- Advertisement -

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xusay in dagaalladii dhacay todobaadkan ay ahaayeen kuwa aad u culus, isla markaana ay dhaliyeen khasaare xooggan. Dowladda ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah AS, si dalka looga ciribtiro.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, kala soco wararkeena xiga.

Latest stories