HomeWararCiraaq iyo Taliska Mareykanka oo shaaciyay dilka Masuul sare oo ka tirsan...

Ciraaq iyo Taliska Mareykanka oo shaaciyay dilka Masuul sare oo ka tirsan Daacish

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda (Daacish) ayaa la dilay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq, kadib howlgal wadajir ah oo bartilmaameedkiisu ahaa hoggaanka kooxda.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia al-Sudani ayaa shaaca ka qaaday guusha hawlgalka, isagoo Jimcihii bartiisa X ku sheegay in hay’adda sirdoonka Ciraaq ay “si guul leh u khaarijisay” Abdallah Makki Muslih al-Rufay’i, oo ahaa ku-xigeenka hoggaamiyaha IS. Sudani wuxuu dilka al-Rufay’i ku tilmaamay “guul amni oo weyn.”

- Advertisement -

Ciidamada gaarka ah ee Ciraaq ayaa sidoo kale xaqiijiyay in al-Rufay’i lagu dilay duqeyn cirka ah oo Khamiistii ka dhacday lamadegaanka Anbar ee galbeedka Ciraaq.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isna bartiisa Truth Social ku xaqiijiyay dilka al-Rufay’i, isagoo sheegay in hoggaamiyihii IS ee Ciraaq la dilay kadib markii si joogto ah loo daba joogay. Wuxuu xusay in nolosha al-Rufay’i la soo afjaray, isla markaana howlgalka si wadajir ah u fuliyeen dowladda Ciraaq iyo maamulka Kurdida ee Waqooyiga Ciraaq.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (U.S. Central Command) ayaa sheegay in al-Rufay’i lagu dilay duqeyn sax ah oo Khamiistii ka dhacday Ciraaq, iyadoo lagu xaqiijiyay dhimashadiisa DNA laga qaaday kadib weerarkii hore ee uu ka baxsaday. Sidoo kale, waxay sheegeen in al-Rufay’i iyo xubintii kale ee IS ay xirnaayeen jaakadaha qarxa xilligii la dilayay, isla markaana ay wateen hub kala duwan.

Latest stories