HomeWararDagaalame Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Dagaalame Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Dagaalame ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen. Dagaalamahan oo magaciisa lagu sheegay Yacquub Macalin Axmed ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo toddobo sano ah, isagoo kooxda uga biiray deegaanka Janaale. Sida uu sheegay, waxa uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalame ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Dagaalamahan oo magaciisa lagu sheegay Yacquub Macalin Axmed ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo toddobo sano ah, isagoo kooxda uga biiray deegaanka Janaale.

- Advertisement -

Sida uu sheegay, waxa uu horay u ahaa horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak oo hoos taga degmada Awdheegle.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Awdheegle ayaa warbaahinta u soo bandhigay Yacquub, kaasoo sheegay in culeys xoogan uu kala kulmay kooxda, taasina ay keentay in uu isku soo dhiibo dowladda.

Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa maalmahan dambe waday howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha ay kooxda kaga sugan tahay gobolka Shabeellaha Hoose.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts