HomeWararCiidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Deegaanka oo Howlgallo Qorsheysan ka Fuliyey Gobolka...

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Deegaanka oo Howlgallo Qorsheysan ka Fuliyey Gobolka Mudug

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa howlgal ballaaran ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan meelaha hoos yimaada magaalada Xarardheere. Howlgalkan oo si taxadar leh loo qorsheeyay ayaa ciidanku ku gaareen deegaannada Ilbir, Bohalcaalim iyo tuulooyin kale oo ka tirsan waqooyiga gobolka Mudug. Ujeeddada howlgalkan ayaa ahayd in lagu burburiyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa howlgal ballaaran ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan meelaha hoos yimaada magaalada Xarardheere.

Howlgalkan oo si taxadar leh loo qorsheeyay ayaa ciidanku ku gaareen deegaannada Ilbir, Bohalcaalim iyo tuulooyin kale oo ka tirsan waqooyiga gobolka Mudug. Ujeeddada howlgalkan ayaa ahayd in lagu burburiyo fariisimihii ay kooxda Al-Shabaab ka sameysatay deegaannadaasi.

- Advertisement -

Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka, ciidamadu waxay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka, iyagoo burburiyay xarumo ay kooxdaasi ku lahayd halkaas. Intii uu howlgalku socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay saddex gaari oo la sheegay in ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaasoo lagu gubay isla goobtii lagu qabtay.

Taliyayaasha horkacayey hawlgalka ayaa tilmaamay in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo khatar kasta oo ay kooxdaasi ku hayso shacabka iyo nabadda gobolka Mudug.

Dhanka kale, saraakiishu waxay sheegeen in aysan jirin wax khasaare ah oo ciidamada dowladda kasoo gaaray howlgalkan, balse ay wadaan xaqiijinta xogta dhabta ah ee khasaaraha.

- Advertisement -

Howlgalladan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada ay wali kaga sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo la adkeynayo ammaanka gobolka Mudug iyo guud ahaan dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts