HomeWararAkhriso Xogta: Weerarkii Hoteel Qaahira ee Baladweyne oo goordhaw lasoo afjaray

Akhriso Xogta: Weerarkii Hoteel Qaahira ee Baladweyne oo goordhaw lasoo afjaray

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Baladweyne, Maarso 12 – Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka si rasmi ah u soo afjaray weerar muddo 24 saac ah ka socday gudaha Hoteelka Qaahira ee magaalada Baladweyne, halkaas oo ay shalay gelinkii hore weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dableyda weerarka soo qaaday ayaa hotelka u galay si qorsheysan, iyagoo isticmaalaya qaraxyo waa weyn oo lagu dhuftay afaafka hore ee dhismaha ka hor inta aysan gudaha u gelin. Qaraxyadaasi kadib, rag hubeysan ayaa gudaha u galay hotelka.

- Advertisement -

Ciidamada ayaa go’doomiyay hotelka, iyagoo xalay illaa saaka waaberigii hawlgallo qorsheysan ka waday gudaha iyo hareeraha dhismaha. Sida uu xaqiijiyay masuul ka tirsan maamulka Baladweyne, ciidamadu waxay saaka u guuleysteen inay toogtaan dagaalameyaashii ugu dambeeyay ee ku jiray hotelka, taasoo soo afjartay weerarkii socday 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Masuul katirsan maamulka Magaalada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lix dagaalame oo weerarka qaaday, afar ka mid ah ay is qarxiyeen, halka labada kalena ay ciidamada toogteen intii uu hawlgalku socday.

Hoteelka la weeraray, oo ku yaalla galbeedka magaalada Baladweyne, waxaa ku sugnaa odayaasha dhaqanka mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo la sheegay inay halkaasi ku lahaayeen shir looga hadlayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxyadii bilowga weerarka ay sababeen burbur xoogan oo gaaray dhismaha hotelka iyo goobaha ku dhow, iyadoo la arkayay qiiq iyo uuro hawada isku shareeray.

sidoo kale Muuqaallo Saaka laga soo duubay goobta ayaa muujinaya burburka weyn ee weerarku geystay, iyada oo weli ay socdaan dadaallada lagu xaqiijinayo khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee khasaaraha uu weerarku geystay la shaacin doono marka baaritaan dhameystiran la sameeyo. Ilo wareedyo madaxbannaan ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo Nabaddoono ay ku jiraan. balse lama xaqiijin tirada rasmiga ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dagaallo xoogan kula jiraan Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo dhowaan laga xoreeyay deegaanno badan oo ay kooxdaasi horay uga talin jirtay.

 

La soco wixii faahfaahin dheeraad ah oo kusoo kordha xaaladda.

Latest stories