HomeWararSoomaaliya oo Magaalada New York kaga qayb gashay Shir Caalami ah

Soomaaliya oo Magaalada New York kaga qayb gashay Shir Caalami ah

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XJFS iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa kaga qeyb galay Magaalada New York furitaanka Shirweynaha caalamiga ah ee Komiishinka Xaaladaha Haweenka kulankiisa 69aad.

Shirweynaha Haweenka oo dhaca sanadkiiba mar ayaa waxa uu socon doonaa 10ka – 21ka Maarso (March) 2025, waxaana sanadkan diirada lagu saari doonaa in dib-u-eegis lagu sameeyo lana qiimeeyo habka ugu haboon ee loo hirgelinkaro waxqabadka bayaanka madasha haweenka iyo Natiijooyinkii kasoo baxay kalafadhigii gaarka ahaa ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kulankiisii 23aad. Inta lagu guda jiro shirwaynaha waxaa Dib-u-eegista kamid noqon doona in la qiimeeyo caqabadaha jira iyo sidii lagu xaqiijin lahaa awoodsiinta haweenka iyo habka ugu haboon ee lagu gaari karo Ajandaha 2030ka ee Horumarka Waara.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa inta lagu guda jiro shirwaynaha la yeelan doonta Shir doceedyo madax kala duwan oo ka kala socota caalamka, iyadoo Wasiiradu kaqeyb gali doonto shirar gaar ah oo ay isla soo qaban qaabiyeen dowladeena Soomaaliya iyo dowlado kale oo kamid ah saaxiibada caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Amb Khadiija ayaa kalmada furitaanka shirka kajeedin doonta iyadoo kaga hadli doonta hormarka balaadhan ee haweenka Soomaaliyeed hormuudka uga yihiin bulshada iyo qorshaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS ee ku aadan sidii lagu xaqiijin lahaa in lagaaro kaqeyb gal buuxa oo ay helaan dumarka soomaaliyeed.

Latest stories